Is Badal Loo Wada Hayaamay

7 Sano Oo Aad Horjoogtay

Wax Qabad Lagu Soo Hirtiyo

Hal Eray Oo Aan ku Faanto

Markaad Heli Wayday Yaabka

Humaag been Aad U Abuurtay

Marbaad Horor Guud Fuushay

Dhiiqaad Ka Heestay Maalmo


Rucliyo Orad Waa Hadhbeelay

Hal Doorkii Maad Dhagaysan

Markiu Dadku Kugu Hungoobay

Ayaad Hayba Gaar U Soocday

Hurinba Gaar Baad U Saartay

Wallo Dhabaa Is Hiifay

Waxaad Cuntay Heeryadaada


Ummada Hada Kuuma Jeedo

Isbadal Loo Wada Hayaamay

Ka Guura Halkaad Ogeeydee

Waxaan Hadal Kuugu Koobay

Hogaanka Un Noo Wareeji

Huleel Codba Kuuma Haynee


Hantiyo Rajadii Dadkaagu

Kun Jeer Bay Halis Galeene

Adaan Hadafkaagu Maal

Hantiyo Baloodh hayn

Bulshada Hiil Kaa Sugaysa

Habeen Badh Ma Weerarteene

Hooyada Baas Kuma Furteene


Intaa Beer Haybeneysay

Ku Heysatay Maati Buuro

Dalkii Baa Gabi Hilmaamtay

Harmaad Gobaladii Haleysay


Hanankiyo Heybadiine

Tolkiyo Shacabkaa

Hagoogtay

Waa Kaa Qaranow

Ku Heermay