![]() |
JACAYL DHABA |
Lafta Dhabarka Dhuuxiyo
Wadnaha Dhiiga Mara Beerka
Dhaqdhaqaaqa Xoogiyo
Xubnaha Dhami Duraaxaaya
Dhidib Aan Ku Taagmaa Tahee
Hayga Dhicin Hooyo
Abdilaahi Aniga Ku Dhalay
Dhayna Kugu Sooray
Dhabta Kuugu Heeso
Ku Baray Hadal Dhawaaqiisa
Oo Diin Ku Dhaxal Siiyay Iyo
Dhaqankii Toosaanaba
Caawana Arooskaaga Dhacay
Way Dhamaystiraye
Aday Gaari Ku Soo Dha de
Dheeli Ka Ilaali
Noqda Qoys Dhismo Dhaqashalo
Dheefta Wada Quuta
Ubad Aad Ku Faraxdaan Dhalo
Nolo Ku Dhaanteeya
Rabi Haydin Dhawre
Jacayl Dhaba Kusii Waara
Waligaa Odhaah Aan
Dhibsado Kumaba Aad Dhiiran
Dhuran Iyo Nacayb Kaama
Arag Dhaaxa Sii Jira Ee
Hooyo Dhago Nugaylkaagu
Waa Kaan Ku Ahay Dheeman
Aragayga Dhaayaha
Adaa Iiga Dhigan Hooyo
Duco Aan Dhamaanbaan
Rafiiq Kaaga Dhigay Hooyo
Hooyo Dhaaf Asaagaa
Adoon Dhibi Ku Soo Gaadhin
Caawana Arooskaaga Dhacay
Way Dhamaystiraye
Aday Gaari Ku Soo Dha de
Dheeli Ka Ilaali
Noqda Qoys Dhismo Dhaqashalo
Dheefta Wada Quuta
Ubad Aad Ku Faraxdaan Dhalo
Nolo Ku Dhaanteeya
Rabi Haydin Dhawre
Jacayl Dhaba Kusii Waara
0 Comments