![]() |
ISKALAAJI |
Fogaanshaha dhabeeshaad
Jeclayd Dhibiyo Waa Wowle
Waan Dhoofayaa Saad U Tiri
Dhaawac Baan Ahaye
Dhuuniga Ka Go'ayoo
liqmadii Dhaafayoo Nacayee
Dhalanteedka Waxa Iigu
Wacan Kala dhaqaaqeena
Ka Dhabee Hankii Aan Lahaa
Dheeli Weli Weeye
Hadday Ii Dhamaan Lahayd
Farxadi dhaymo Ayaa Dhimane
Halkii Aad Banaysay
Dhaxani Iiga Soo Dhiciye
Dhicisoo Wax Qoys Kaan
Lahaa Dhab Kusii Waara
Ma Dhamaado Xiisuhu Markaad
Joogin Dhinacaygah
Ma Dhaqaaqdo Saacadu
Intaad Iga Ag Dheertahaye
Dhimirkuna Sibuu Kuu Taboo
Dhaymo Muu Helinee
Dhaqso Iigu Soo Noqo
La'aanta Dhibbaan Marayee
Aragaaga Dhaayihii U
Bogay Way Kusuga Yaane
Dheguhuna Codkii Aad
Bartay Dhowrayaan Weliye
Dhawaqaagu Noloshuu
Macaan Dhiiri Geliyaaye
Dhambaalkaagu Waa Ii Dawee
Igu Dhayoo Ii Quudh
Wadne Kuugu Dhaarta
Jacayl Wadnaha Dhiigiiye
Dhami Way U Xiiseen
Xubnuhu Adi Dhabtaadiiye
Mana Lihi Dhalile Cidladu
Waa Qooraal Dhiganee
Dhayal Maaha Xaalkuyee
Dartaa Dhimasho Suuraystay
0 Comments