![]() |
CABDIRISAAQ ANSHAX |
Boholyawga Kashayda Bannaystay
Bixi Waaga Dareennada Baahay
Bog nugaylka naftayda buseeshay
Baadidoonka waxaan balef eegay
Indhahayga bu'dooda bogoo day
Baahidaan qabo fiiri bayaanso
Beerqaadka hillawgiyo baaqa
Bishaarayso dhe ruuxda baqaysa
Ballantii axdigeenna ha baajin
Rejadeenni ha bii'nin billaahi
Ubaxaan wada beernay bidhaami
Kala baadnaye soo noqo boowe
Bilicdaada Iyo Kaaha Bidhanta
Bashiraadkiyo Weedha Buseylka
Burjigaaga Iyo Jaaha Burudka
Soo Banta Isheyda Iyo Boogta
Balantii Axdigeena Ha Baajin
Rajadeena Ha Bidheynin Billhi
Ubaxaan Wada Beernay Bidhaami
0 Comments