![]() |
ROODA KEYF |
Tirtiray Wixii Kaa Horeeyay
Tirsaday Maalmahaan Agtaada
Dib Baan U Dhashoo Tanaaday
Taariikh Cusub Baa Bilaaway
Dhex Tagay Jannadii
Aduunka An Kaa Baxay
Waayahii Turxaanta Ahaa
Ka Toosay Barwaaqa Sooran
Ku Tiirsaday Ruux I Deeqay
Tubtii Noloshaan Haleelay
Anigoo Tamashleeyay Raaxo
Tubtii Noloshaan Haleelay
Anigoo Tamashleeyay Raaxo
Rugtii Naxariista Taalay
Ayaan Ka Dhex Dooqayaaye
Rugtii Naxariista Taalay
Ayaan Ka Dhex Dooqayaaye
Mulkiyay Wixii Aan Tabaayay
Tabcaday Aayaha Naftayda
Jacaylkeenaa Tayoobay
Tilmaan Wacan Buu Horseeday
Qoontii Nololeed
Tisqaadayee Ku Tolay
Qalbigii Dhankiisa Ahaa
Ku Taamay Qofkii Libtayda
Intaa Tabantaabinaay
0 Comments