![]() |
FARAH KAFTAN |
Muqdishooy Dhabtii
Dhismahaaga Quruxda Leh
Dhaayaheygu Markey Arkeen
Isoo Dhaaftay Ilmadu
I Dhaqaaqday Xaadee
Wadnahaa Ku Dhigan Tahay
I Dhaqaaqday Xaadee
Wadnahaa Ku Dhigan Tahay
Dhaarbaan Ku Mari
Inaan Dhiiga Kuu Shubo
Kuna Dhaafsan Aduunee
Lawaa Meel Laguu Dhigo
Ifka Meel Laguu Dhigo
Barti Aan Ku Dhashay
Ku Dheel Dheeli Jiray
Anigoo Dhalaaana
Dhoof Kuma Imaan
Dhulku Waa Dhulkey
Dhal Magaalo Baan Ahay
Dhashii Xamar
Muqdishooy Dhabtii
Dhibkaaga Dhibkeygoo
Dhef Baan Kula Doonayaa
Dhankastoo La eegana
Anaa Dhaxal Kuu Heloo
Dhuuxeygaa Ku Milan thy
Anaa Dhaxal Kuu Heloo
Dhuuxeygaa Ku Milan thy
Mudantii Dhukaay
Somalidoo Dhanbaa
Kugu Dhaadaneysoo
Lawaa Mel Laguu Dhigo
Ifka Mel Laguu Dhigo
0 Comments