![]() |
JACAYL SOO DHAWOOW |
Dhawaaq Farax Loo
Dhagahu Maqalkaa
Jacayl La Dhaceen
Ayaad I Dhahdoo
Qalbigaad Dhufatee
Mudaan Dheelaloo
Dhexdeena Riyada
Niyada Ku Dhistoo
Dhab Inoo Noqotee
Jacayl Soo Dhawow
Way Noo Dhantahay
Dhagaha Baan Ka Xidhan
Kuwii Nagu Dhex-jiray
Dhagaha Baan Ka Xidha
Igu Dhaado Haa
Aqal Aan Dhisnee
Ubax Dharab Lohoo
Indhuhu Dhugashada
Eegmada Ka Dhargayn
Dhemanow Dartaa
Adaa Iiga Dhigmee
Labbada Isu Dhigmee
Dhigeeno Kalaa
Guushaba Dhaxashee
Dhabtii Waa Is Fahanee
Macaan Soo Dhawow
0 Comments