Noolaha Dhamaantii 

Ficil aa is dhaafshee

Cay Leygu Dhahayaa

Dhiira Galin KA Qaadaa


Ruuxan I Dhaadeyn

Ana Kuma Dhadhaca Oo

Qof Kastoo I Dhayalsada

Horaan Uga Dhaqaaqaa


Dhawaaq Laygu Durayiyo

Hadal Ima Dhibaayooo

Dhawaaq Laygu Durayiyo

Hadal Ima Dhibaayooo


Dhaliil Laysameeyiyo

Dhaga Hadal Ma Qaate

Sidaan Iila Dhaqantaan

Hadba Kuula Dhigayaa


Dhabtii Adamaha Jira

Dabcigo Is Dheeryahe

Dhowr Kaan Is Fahanaa

Dadka Kale Ka Dhowrta


Ruux Haddii Uu Mar Iga Dhaco

Ana Kuma Dhag Dhago

Qof Kastoo I Dhinac Maro

Ana Waan Is Dhaafshaa