HABOON NUURA


 Xiisiyo Kalgacal Iyo

Xurmo Meelaan Laga Helin

Xero Adag Intaan Galay

Xilo Daran Ma Weheshaday


Xaaladaha Waqtiga Adag

Xanaftiyo Waraaqii

Xumadii Iimay Dayn


Xujo Waalid Weeye

La Wadaag Xayaatada

Xigtiyo May Iga Waansheen


Maalinbaa Xisaab Iman

Habluhuna Xaqood Heli

Xuural Caynta Ila Siman

Ay La Bixi Xulkoodoo

Xaakim Faraj Usoo Rogi


Inkasootoy Xad Gudub Tahay

Waa Xeer Soo Jireenoo

Xaawalayda Lagu Dago

Xalna Looma Helin Wali


Xaaladaha Waqtiga Adag

Xanaftiyo Waraaqii

Xumadii Iimay Dayn


Marka Aan Xasuustee

Xisku Dayo Amuurahan

Xubin Xubin U Ooyaa