ABDIRISAAQ SACIID



Casar Liiq Cad-Ceed Galab Joogta

Caadiyoo Daruur Ku Cilaaban

Ubax Midab Cas Lihi Carfinaayo

Nafti Caalamka Cabireeysay

Cadrad Yahay Casuun Aragaagu


Curadii Hablaha Caradeena

Ku Caleema Saar Cidigeeygu

Curadii Hablaha Caradeena

Ku Caleema Saar Cidigeeygu


Cajab Yidhi Intuu La Cajiibay

Kuu Cudhi Amaan Caqli-Geeygu

Cajab Yidhi Intuu La Cajiibay

Kuu Cudhi Amaan Caqli-Geeygu


Jawi Curiya Caashaq Abuura

Casharada Kalgacal I Cabsiiya

Ku Cugtoo Intaad I Ciseeysay

Carshigii Xubiga Ku Caweeynay

Kuna Caafimaaday Codkaaga


Tinta Culan Cabaar Yaha Qoorta

Cududaha Gacmaha Leh Cilaanka

Ku Camiran Carfooni Dhalaalka

Curuf Yahay Tin Iyo Cirif Meela

Cad Latuura Waa Cabirkeeygu


Ku Calmadee Indhuhu Kugu Ciide

Cishadaad Fogaato Cidloode

Ku Calmadee Indhuhu Kugu Ciide

Cishadaad Fogaato Cidloode


Oo Cadho Tiraay In Cabaara

Cidkaloon La Qaato Ka Caagay

Oo Cadho Tiraay In Cabaara

Cidkaloon La Qaato Ka Caagay