![]() |
SAALAH SANAAG |
Nafyahay Qool Lagu Ritee
U Qoob Xidhan Ruux Ka Tagay
Quraaradu Way Jabtee
Miyeey Qiiradu Kabtaa
Qalbigii Kali Kugu Ahaa
Haduu Qufulkiisi Lumay
Nasiibku Kumaanu Qadin
Gayaankuna Muu Qudh Bixin
Dareenka Qandheeysanoow
Qof Nooloo Aanan Dhiman
Qubuuraha Ruux Ku Daray
Qaraabeeysiga Kadaa
Ka Qayd Furo Ruux Ku Naxay
Qacdeey Ku Arkaan Indhihi
Ilmada Kuu Qubi Jiree
Kashaada Qaboojin Jiray
Qadaadkuu Jeediyee
Aayaamaha Qaaligaa
Xusuusaha Qiimo Jabay
Ka Daa Qooraansigoo
Nafteeydaay Quusta Baro
0 Comments