SULDAAN SEERAAR



Maalintaan Kubarteed Ibaratee

Isbaranay Isbaranay Baa Bariya

Maalintaan Kubarteed Ibaratee

Isbaranay Isbaranay Baa Bariya


Bishaanina Bishii Weeyaan

Jacaykeeni Dunidani Kuso Biiray

Bogsadeena Iyagoo Isku Baahan

Qalbigeeygu Iyo Qalbigaagu


Weey Xiijiyeen Barigee

Ina Bixi Bada Ina Geey

Badweyntaa Ina Geey

Jawi Baa Bartaa Yaal

Aan Buuq Lahaynee

Buuq Lahayne 


Bada Laydh Macaan

Wadatee Ina Geey


Dareenkaa Halkaa

Ku Batee Ina Geey

Qabiilada Badoo Dhami

Hakuso Barteene Soo Bax


Waxaad Ka Bogani

Dareen Dhabe Ee So Bax

Waxaad Ka Bogani

Dalxiis badane Ee Soo Bax


Waxaad Ka Bogsani

Hilow Badan Ee Soo Bax

Xusuus Aan Ba'ayn Baa

Buuxin Maankaage So Bax