![]() |
KHAALID KAAMIL |
Dani Sow Ayaamaha
Khuuso Mayso Diiwaan
Dhacdaye Ha U Noqon
Daalacan Ka Wada Dhigo
Dharaar Diif Lahayd Iyo
Ha Yareeysan Digashada
Dadka Kii Wax Kuu Taray
Isna Meel Ku Daabaco
Daano Uu Qof Kaa Galay
Xeer Inaad Ku Doontiyo
Dariikh Saxa Ha Joogtee
Adna Reero Ha U Dumin
Caqliyeelo Ha U Dumin
Diir Ineey Wadagaan
Dag Magaad Ku Dumiin Layd
Dir Nabadu Leedahay
U Bakhtii Dab Kici Laha
Dadna Uu Ku Dhiman Laa
Doodiyo Aftahamaha
Haku Kicin Dareemaha
Duro Iyo Wax Laga Yimid
Ka Jir Diradiraalaha
Deeq Ilaah Ku Siiyiyo
Maalka Iyo Duunyada
Ha U Adeegsan Diriraha
Naf Intaad ku Dili Layd
Ku Daryeel Agoomaha
0 Comments